Halkuu marayaa baaritaanka dadkii lagu dilay Golweyn?

Guddiga

Guddi uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u saaray inay soo baaraan dhacdo 10-kii bishan lagu dilay toddodba qof meel u dhow degaanka Golweyn ayaa maanta ka hadlay halka uu marayo baaritaankooda.

Mas’uuliyiinta AMISOM oo ciidankooda lagu eedeeyey inay gaysteen dilkan ayaa sheegay inay magacaabeen guddi baaritaan, waxayna qireen in dadka dhintay ay ahaayeen rayid, balse ay baarayaan in ciidankoodu ka dambeeyeen.

Dhowaanna Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa u sheegay VOA in dhammana toddobada qof ay rayid yihiin, islamarkaana ay ku baxeen gacanta ciidamada AMISOM.

Warbixintan waxaa Muqdishu kaso diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkuu marayaa baaritaanka dadkii lagu dilay Golweyn?