Muqdisho: Garab ka mid ah Guddiga Doorashada G. Waqooyi oo Guddoon Doortay

Guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi gaar ahaan garabka uu magacaabay Ra’iisulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa galabta doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Garabkan ayaa waxa ay guddoomiye u doorteen Khadar Xariir Xuseen. Waxaa doorashada ka maqnaa afartii xubnood ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay doorashadan.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso warbixinta doorashada guddiga

Laakin Ra'iisulwasaare Rooble oo soo farageliyay ayaa baabi'iyay doorashada guddoonka, taasi oo keentay in maanta loo ballamo in guddiga oo wadajira ay doorashada guddoonka ku qabsadaan xerada Afisyooni.Horey ayay labada garab ee ay u kala jabeen guddiga maamulka doorashada ee xubnaha gobollada waqooyi kala doorteen laba guddoomiye.