War-saxaafadeed: Duqeyn cirka ah oo ka dhacday Galmudug

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Somalia ayaa lagu sheegay in ciidamada Danab iyo xulufada Somalia ay khasaare u geysteen maleeshiyad Al-shabab.
War-xafaadeedka oo ku taariikhaysnaa 23ka bishan July ayaa lagu sheegay in duqeyn xagga cirka ah lala beegsaday maleeshiyada Al-shabab ee ku sugan inta u dhaxaysa deegaanada Qaycad iyo Xarardheere ee dawlad-goboleedka Galmudug.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in weerarka oo ahaa mid aan bartilmaameedka seegin uu naafeeyey maleeshiyada Al-shabab, hubkoodiina burburiyey, iyada oo dadka shicibka ah aanay waxba ka soo gaarin.