Munaasabadda Kowda Luulyo oo laga xusay Soomaaliya
Calanka Soomaaliya
MUQDISHO —
Magaalada Muqdisho waxaa xalay iyo maanta lagu qabtay munaasabado lagu weyneynayo markii ay gobollada koonfureed xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee kowdii July 1960-kii, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyaddii Soomaaliya.
Sidoo kale munaasab weyn oo lagu xusayo maalintan ayaa ka dhacday magaalada Baydhabo, oo xarun ku-meel gaar u ah Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.