Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha guddiga doorashada

Qoor Qoor

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa maanta oo Khamiis ah soo gudbiyey liiska xubnaha uga mid noqon doona guddiga doorashada Soomaaliya ee laga sugayay.

Mamaulka Galmudug ayaa ah kii ugu dambeeyey ee soo gudbiya guddiga doorashada, ayada oo dhammaan maamullada kale ay horey usoo gudbiyeen xubnihii laga sugayey.

Maxamed Colaad Xassan ayaa guddigan wax ka weydiiyay wasiirka Warfaafinta ee Galmudug Axmed Shire Falagle.

Your browser doesn’t support HTML5

Qoor Qoor oo magacaabay xubnaha guddiga doorashada