Dowladda Federaalka oo cadaadis xooggan kala kulantay waalidiinta Soomaaliyeed

Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Afwerki

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cadaadis kala kulmeysa waalidiinta iyo dadweynaha Soomaaliyeed, kaddib markii ay soo baxday warbixin sheegeysa in dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan tiradooda la xaqiijin karin oo tabarbar loogu diray waddanka Eritrea ay ka qeybgaleen dagaalka ka socda Itoobiya.

Waalidiinta ay ka maqanyihiin dhallinyarada ciidanka loo qoray ee la la’yahay ayaa eedeeyay Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmajo, kaas oo iska fogeeyay eeddan.

Sida uu warbixintan ku faah-faahinayo wariyaha VOA Maxamed Kaahiye, guddi baarlamaani ah ayaa dalbanaya in baaritaan lagu sameeyo xaaladda ciidamadaasi.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab ayaa warbixntan inoo soo koobaya.

Your browser doesn’t support HTML5

Dowladda Soomaaliya oo la saaray cadaadis ku aaddan dhallinyaradii loo qaaday Eritrea