Rooble oo magacaabay guddi farsamo oo ka caawin doona doorashada

Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo, kaas oo xaafiiska Ra'isul Wasaaraha ka taageeri doona hannaanka doorashada dalka, ay lagu sheegay wareegtada magacaabista guddigan.

Guddigan oo ka kooban todoba xubnood ayaa sidoo kale isku xiri doonaa dowladda Federalka, guddiga doorashada, maamul goboleedyada, beesha caalamka iyo dadweynaha Soomaaliyeed inta ay socoto doorashada baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Xubnaha guddigan oo iskugu jira khuburo arrimaha doorashooyinka iyo sharci-yaqaanno ay ayaa kala ah;

1. Cabduqaadir Cilmi Cali

2. Garyaqaan Cumar Maxamed Cabdulle

3. Faadumo Cabdi Cali

4. Maxamuud Maxamed Rooble

5. Layla Cabdikariim Maxamed

6.Liibaan Rabiile Good

7. iyo Cabdullahi Xaashi Xasan