34 xubnood oo lasoo jeediyey in laga saaro guddiyada doorashada
Guddiga uu magacaabay Rooble
MUQDISHO —
Guddi wasiirro ah oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu u xil saaray inay soo qiimeeyaan cabashooyinka ka dhan ah xubno ka tirsan guddiyada doorashada heer federaal iyo heer gobol ayaa soo jeediyey in guddiyada laga saaro 34 xubnood oo ay sheegeen inay wax ka jiraan dacwooyinka laga keenay.