Ururada haweenka oo walaac ka muujiyay hirgalinta kootada 30%
MUQDISHO —
Qaar ka mid ah ururada Haweenka Soomaaliyeed ayaa walaac ka muujinaya in siyaasiyiinta dalka ay xaqiijin waayaan qoondada dumarka ee Baarlamaanka soo socda, taas oo ah 30%.
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabballe ayaa sheegtay inay saluugsanyihiin in heshiiskii dhawaan ay Muqdisho ku gaareen Madaxda Dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada aanu si cad u qeexeyn qoondada haweenka.
Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa wareysi ku saabsan arrimahaas la yeeshay guddoomiye Batuulo Gabballe.
Your browser doesn’t support HTML5
Ururada Haweenka oo walaac ka muujiyay hirgalinta kootada 30%