Natiijooyin horleh oo kasoo baxaya doorashooyinka Somaliland

Doorashada Somaliland

Waxaa iska soo daba dhacaya natiijooyinka doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee Somaliland oo ay shacabka u dareereen 31-kii May.

Degmooyinka Ceynaba, Ceeri-gaabo, Ood-weyne iyo Sheekh ayaa ka mid ah meelaha natiijadu ay ka soo baxday ee la shaaciyey.

Sidoo kale waxaa soo baxaya natiijooyinka qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Awdal iyo Gobolka Soo loo iyagana lagu dhaawaqay.

Weriyayaasha VOA ee Hargeysa, Khadar Maxamed Cakule, Boorama Haashim Sheekh Cumar Good, iyo Laascaanood Cabdikariim Olol ayaa soo warbixino ku saabsan natiijada doorashada.

Your browser doesn’t support HTML5

Natiijooyin horleh oo kasoo baxaya doorashooyinka Somaliland