Taariikhdii abwaan Sooraan oo shalay ku geeriyooday magaalada Burco
Abwaan Sooraan
HARGEYSA —
Alle ha u naxariistee waxaa shalay magaalada Burco ku geeriyooday abwaan iyo majaajiliiste Sooraan Ismaaciil Sugulle oo maalmihii la soo dhaafay ku xanuunsanaa magaaladaas.
Geerida abwaanka ayaa taabatay dadka Soomaaliyeed ee la socday sheekooyinkii iyo riwaayadihii uu sameyn jiray.