Muqdisho: Shirkii doorsashada oo aan wali furmin

Rooble iyo Musharaxiinta

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo doceedyo horu-dhac u ah shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka dalla ee madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xalay, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulama la qaatay madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

Shirkan oo qorshuhu ahaa inuu furmo Khamiistii shalay ayay u egtahay inuu si rasmi ah u furmi doono Sabtida berri ah, waxaase suaalo la iska weydiinayaa waxa shirkan uu kaga duwanyahay shirarkii hore ee doorashada ee guul darreystay .

Wariyaha VOAda ayaa su’aashaa iyo kuwo kale weydiiyay, Cabduqaadir Axmed Shirwac oo ka mid ah Aaqoonyahanka Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso shirka Muqdisho