Rooble oo ka hadlay qorshaha uu ku hagayo doorashada iyo amnigeeda
Ra'isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble
MOGADISHU —
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumadu ay sida ugu dhakhsaha badan uga hawlgali doonto qorsheyaasha doorashooyinka iyo amniga, kaddib markii Madaxweyne Farmaajo uu howshaas ku wareejiyay.
Ra'isul Wasaare oo xalay shacabka la hadlay kaddib go’aankii shalay ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka ayaa sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya uga mahadnaqay in xukuumadiisa lagu soo wareejiyo hoggaaminta hawlaha doorashooyinka iyo amniga.