Farmaajo oo aqbalay wadahadallada doorashada kaddib cadaadis uga yimid gudaha iyo dibadda

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha dowladda Fededraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu xalay khudbad uu kula hadlayo shacabka ka jeediyay warbaahinta dowladda, isagoo ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin qalalaasihii ka dhacay Muqdisho iyo doorashooyinka.

Waxa uu tilmaamay in maalinta sabtida ah ee soo socota uu hortegi doono Golaha shacabka si dib loogu soo celiyo heshiiskii doorashada ee la gaaray 17-kii September ee sanadkii hore, kaasi oo dhigayay hannaanka doorshooyin dadban.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintan kusoo koobaya khudbaddii madaxweynahu uu xalay jeedidiyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Hadal-jeedintii Farmaajo