Wasiir Xundubey oo ka hadlay xaaladda kacsan ee Muqdisho

Xasan Xundubey

Dawladda Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay xaaladda magaalada Muqdisho, oo maalintii Axadda ay ka dhaceen dagaallo.

Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale oo ka hadlay telefiishanka dawlada Soomaaliya ayaa sheegay inay soo badanayaan dad leh dhaqanka maleeshiyada oo guryaha garaacaya, islamarkaana gaysanaya dilal.

Waxa uu sheegay in dawladdu u aragto in kuwa wax abaabulaya, sida uu hadalka u dhigay, ay ku soo hoos gabban karaan Al-Qaacida iyo Daacish.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dawladdu ay haysato ciidamo ku filan inay gacanta ku dhigaan magaalada Muqdishu balse ay gacanta laabatay si aan bulshada lagu dhex dagaalamin, waxaase uu sheegay inay soo badanayaan falal muujinaya in loo baahan yahay in laga hortago.

Hadalkan ayuu jeediyey xilli ay magaalada ka jirto xaalad kacsanaan ah. Dadka magaalada ayaa VOA u sheegay in laga qaxay xaafado ka mid ah Hodan iyo Hawlwadaag, sababtoo ah dadka ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan iska horimaadyo kale oo dhaca.