Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa oo cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Africa oo shalay ka shiray xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa si weyn u diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ee uu saxiixay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muddo kordhintan ayaa dib u dhigeysay doorashadii dadbaneyd ee qorshuhu ahaa in la qabto sanadkan.

Qaraarka ka soo baxay Midowga Africa ayaa yimid maalmo kaddib markii madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday Midowga Africa inuu dhexdhexaadin ka dhex billaabo saamileyda siyaasadda ee Soomaaliya si looga heshiiyo muranka doorashada.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa warbixintan ka diyaariyay.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta Midowga Africa oo cambaareeyay muddo kordhintii Golaha Shacabka