Saaxiibada caalamka oo farriin u diray madaxda Soomaalida

Warsaxaafadeedka Beesha Caalamka

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay heshiis ka gaaraan is-mari waaga ka taagan qabashada doorashooyinka dalka.

“Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamku waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi'da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada caalamka.

Saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku booriyey madaxda Soomaalida in wada hadalkan “ay hormuudka ka tahay Soomaalida islamarkaana ay Soomaali leedahay uu horseed u noqon doonto xallinta dhammaan arrimaha taagan iyo in la oggolaado hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17 September.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in heshiiska noocan oo kale ah, uu noqon doono hadiyad bisha Ramadaan u gaar ah dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku boorineynaa madaxda DFS iyo DXDF inay fursaddan u adeegsadaan inay ku xalliyaan khilaafaadkooda oo ay sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah si loo hubiyo in doorashadu noqoto mid lagu kalsoonaan karo,waqtigeeda, iyo si nabad ah ku qabsoomi karta iyadoo aan dib-u-dhac dambe ku imaan si loogu oggolaado Soomaaliya inay horay u socoto,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Qoraalka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo shirkii lagu waday inay maanta mar kale yeeshaan hoggaamiyayaasha dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, mar kale dib loo dhigay, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.

Shirarkan oo lagu tilmaamay kuwo hordhac u ah ayaa qorshahoodu yahay in looga hadlo ajandayaasha shirka rasmiga ah ee ku saabsan doorashada waddanka.

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa soo saaraay: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.