Muqdisho: Shirka Madaxda DF iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Madaxda Soomaalida

Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayuu maanta shir hordhac ah uga furmay xarunta Afisyooni ee magaalada Muqdishu. Shirkan oo fool-ka-fool ah ayay ku sugan yihiin madaxweynaha iyo ra'iisulwasaaraha, madaxweyneyaasha maamullada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Ila wareedyo ka garab dhow shirka ayaa sheegay in shirka maanta u badnaan doono ajandahashirarka soo socda. Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Shirka Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada

Haddaba, furitaanka shirkan ayaa isla weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle waxa uu ka waraystay Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkan ka dhageyso wareysiga Wasiir Dubbe