Xiddigii hore ee K/Kolayga Soomaaliya, Baarajab oo geeriyooday
Baarajab
DUBAI —
Allah ha u xariisto waxaa saakay dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Cumar Cabdulqaadir Baarajab oo ka mid ahaa ciyaartoydii waaweynaa ee kubadda koleyga iyo macalinmiintii soo leyliyay kooxahii dalka qaar.
Baarajab ayaa u dhintay xanuunka COVID-19, sida uu walaalkiii Cali Cabdikhaadir Baarajab oo ku nool Denmark uu u sheegay VOA-da.