Galmudug oo xukun ku ridday 31 qof oo ajaanib ah

Kalluumeysatada xukunka lagu riday

Maxkamadda gobolka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa 31 nin oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo si sharci darro uga kalluumeysanaye xeebaha Galmudug, ku ridday ganaax lacageed oo dhan 700 oo dollar qofkiiba iyo in lagala wareego doontii iyo qalabkii ay wateen.

Kallumaysatada oo ka koobnaa 39 qof ayaa lagu eedeyay in si sharci darro ay uga kalluumeysanayen biyaha xeebaha u dhaxeeya magaalooyinka Xarar-dheere iyo Hobyo.

Wariyaha VOA ee Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq ayaa haddaba go’aanada maxkamadda ka wareystay xeer ilaaliya guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur Xuseen.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Ganaaxa Kalluumeysata