Tirada dhimashada COVID-19 ee Soomaaliya oo kasii dareysa
Martiini Hospital
MUQDISHO —
Mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in dadka u dhintay cudurka COVID-19 ay haatan kor u dhaafeen 300 oo qof, halka guud ahaan kiisaska ay dhan yihiin 8321 kiis waddanka oo dhan.
Kiisaska cudurka oo mar aad u yaraaday ayaa dib usoo laba kacleeyey dhorwkii toddobaad ee tegay, waxaana hadda ay faro ba’an ku hayaan dalka, gaar ahaa Muqdisho.