Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo geeriyooday

Ugaas Xasan

Ugaas Xasan

Alle ha unaxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ahaa hogaamiyaasha dhaqanka Soomaalida kuwooda ugu caansan.

Sida ay VOA u xaqiijiyeen dad ehel la ah, Ugaaska ayaa maalamahii lasoo dhaafay Muqdisho ku xanuunsanayay, xanuunkaasoo ugu danbeyntii sababay geeridiisa.

Ugaas Xasan ayaa maamuuska Ugaasnimo loo caano shubay bishii July sannadki 2016-ki, kaddib geeridii walaalkii, Ugaas Abdirahman Ugaas Khaliif.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Warbixinta Geerida Ugaaska