Gaadiidleyda Kismaayo oo ka cabanaya amarro kasoo baxay Jubaland

Kismaayo

Milkiileyaasha gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ee magaalada Kismayo ayaa cabasho ka muujiyay amarro dhinaca sharciyada iyo cashuuraha ah oo ay soo saartay wasaaradda gaadiidka ee Jubaland.

Gaadiidleyda ayaa sheegay inay bixiyaan canshuurtii laga rabay laakiin taa baddalkeeda aysan maamulka ka helin tasiilaadkii ay u baahnaayeen oo ay ugu horreyso in loo dhiso waddooyinka burbursan.

Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintaan Kismaayo kasoo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixinta gaadiidleyda Kismayo