Dadaallada Beesha Caalamka ee Khilaafka ka taagan Doorashada

Soomaaliya, waxa aan wali heshiis buuxa laga gaarin ismariwaaga hareeyay doorashada, waxaana xilligan socda dadaallo ay wadaan beesha caalamka oo ku aadan sidii dalka looga badbaadin lahaa qalalaaso ka dhasha doorashada oo dhici weysa ama ku dhacda iyadoo aan wadar oggol lagu aheyn.

Xarunta Madaxtooyada waxaa maanta tagay xubno ka socda beesha caalamka, gaar ahaan kuwa isugu yeera saaxibada Soomaaliya, iyagoo kulamo la leh madaxda sare ee dowladda Dhexe.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixin arrintaasi ku aadan Muqdishu nooga soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Dadaallada beesha caalamka ee muranka doorashada