Wareysi: Jubaland oo ka hadashay dagaalka Beled-Xaawo
Maxamuud Sayid Aadan
KISMAAYO —
Maamul goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay dagaalkii saaka illaa xalay ka dhacay magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee u dhaxeeyay ciidamada maamulkaas iyo kuwa dowladda federaalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay Beled Xaawo soo weerareen “jabhad fallaago” ah oo ay soo hubaysay dawladda Kenya, halka Jubaland ay sheegtay in ciidanka daraawiishta Jubaland lasoo weeraray.