Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Galmudug, maamulka degmada iyo saraakiisha ciidanka ee magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta mar kale yeeshay kulan looga hadlayey amniga magaaladaas.
Kulankan ayaa ahaa mid ka mid ah kulamo xiriir ah oo dhacayey tan iyo intii dhowaan uu ka dhacay magaalada qarax ay ku dhinteen saraakiil ka tirsan ciidanka.