Soomaaliya waxaa dhowaan la filayaa in lagu qabto doorashadii baarlamaanka iyo midda madaxweynaha, inkasta oo weli aan heshiis laga gaarin.
Badan badan oo rag iyo dumar isugu jira ayaa han u wada leh iney kuraasta u tartamaan, inkastoo doorashadu ay tahay mid dadban oo aysan dadku si isku mid ah u codeyneyn.
Dadka kuraasta aadka u daneynaya sanadkan waxaa ka mid ah dhallinyaro ku barbaartay Soomaaliya intii ay socdeen colaadaha sokeeye, kuwaas oo aaminsan in nidaamka dowladnimo uu qeyb xooggan ku yeelan karaan da'yarta.