Dabeylo Xooggan oo ka Kacay Xeebaha Jubbada Hoose

Dekadda Kismayo

Dabeylo xoogan ayaa ka kacay xeebaha gobolka Jubbada Hoose kuwaasi oo saameyn ku yeeshay kalluumeysatada iyo doomaha ganacsiga ee shixnadaha ganacsi u qaada jaziiradaha iyagoo ka cabsi qaba in dabeyluhu ay dhibaateeyaan.

Arrintan ayaa keentay koror ku yimid sicirka kalluunka ee suuqyada magaalada Kismaayo maadaama doomuhu aysan badda gelin karin si ay u soo jillaabtaan.

Wariyaha VOA Aadan Maxamed Salaad (Kismaayo) ayaa warbixintan nooga soo diray Kismaayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Dabeylo ku dhuftay xeebaha Jubbada Hoose