Muxuu shirkii IGAD ka bedelayaa xiriirka Somalia iyo Kenya?

Waxaa shaley galinkii danbe la soo gabgabeeyey shir aan caadi aheyn oo madaxda wadamada IGAD ay ku yeesheen dalka Djibouti.

Kulankaas ayaa looga hadlayey arrimaha xiriirka wadamada Soomaaliya iyo Kenya ee xumaaday, dagaalka gobolka Tigray ee dalka Ethiopia iyo arrimo kale.

Kulankan oo illaa iyo xilligan aan la shaacin wax heshiis ama isafgarad ah oo laga gaarey ayaa la sheegayaa in madaxdii ka qeyb gashey ay intooda badan dalalkoodii ku laabteen.

Haddaba muxuu shirkan IGAD ka bedeli karaa xiriirka go’an ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya. Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo heysa Falastiin Axmed Iiman.

Your browser doesn’t support HTML5

Muxuu shirkii IGAD ka bedelayaa xiriirka Somalia iyo Kenya?