Baaritaan lagu sameynayo qarixii Gaalkacyo

Waxaa bandow la saarey magaalda Gaalkacyo iyadoo uu socdo baaritaan lagu raadguraayo dadkii ka danbeeyey qaraxii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo. Qaraxa oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa ku geeriyooday 14 qof oo ay ku jireen saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Wariyaheena Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan inooga soo diray magaalada Gaalkayo.

Your browser doesn’t support HTML5

Wararkii ugu danbeeyay ee qarixii Gaalkacyo