Sahra Kaahiye: Qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka COVID-19 ee Alberta

Sahra Kaahiye

Sahra Maxamed Kaahiye oo ah gabar Somali-Canadian ah oo ku taqasustay cudurrada ku dhaca sambabka, ayaa noqotay qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka COVID-19 ee gobolka Alberta ee dalka Canada.

Sahra ayaa tilmaantay in tallaalka uu rajo-galinayo shaqaalaha caafimaadka ee iyada oo kale ah, kuwaasoo la daalaa dhacaya kororka tirada COVID-19.

Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji oo qadka taleefanka magaalada Edmonton kula xiriiray ayaa marka hore waydiiyay waxa sababay inay noqoto qofkii ugu horreeyay ee qaata tallaalka ee gobolkaasi Alberta.

Your browser doesn’t support HTML5

Sahra Kaahiye: Qofkii ugu horeeyay ee qaata tallalka COVID-19, Alberta