Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in malayshiyo ka tirsan Ururka Al-shabab ay xalay la wareegeen gacan ku heynta Deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag Bari ee Puntland.

Guddoomiyaha degmada Laasqoray ayaa VOA u sheegay in malayshiyada Al-Shabaab ay sidoo kale maalintii Khamiistii ay deegaankaasi ka ka kaxeysteen 7 qof oo la sheegay in ay ahaayeen kuwo ka ganacsada dahabka.

Wariyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warkan Boosaaso inooga soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Milxo ee Sanaag