Muranka Hirshabeelle oo Weli Taagan

Waxaa weli muran xooggan uu ka taaganyahay siyaasadda Maamulka Hirshabelle oo dhowaan doortay madaxweyne cusub, balse ay beelaha qaarkood kasoo horjeesteen.

Waxaa muranku uu cirka isku sii shareeray ka dib markii saraakiil hubeysan oo ka soo jeeda Beledweyne ay sheegeen in Madaxweynaha Hirshabelle uusan halkaasi tagi karin.

General Abuukar Xaaji Warsame (Xuud ) waxa uu ka mid yahay saraakiisha ka soo horjeeda dhismaha madaxweynaha Hirshabelle, Wariyaha VOAda Xuseen Xassan Dhaqane ayaa weydiiyay sababta uu uga soo horjeedo in Madaxweynaha Hishabelle Cali Guudlaawe uu tago Beledweyne.

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow Ibrahim oo ka mid ah xidlhibaanada Baarlamanka Federalka ee ka soo jeeda Hirshabeele ayaa qaba in muran xooggan uusan ka jirin gobolka, isla markaana u arka in dhismaha Hirshabeelle loo maray hanaan sax ah.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Siyaasadda Hirshabeelle