Degmada Waajid oo weli ku jirta go’doonka Al-Shabaab
Shabaab
WAAJID —
Degmada Waajid ee gobolka Bakool ayaa muddooyinkan dambe ku jirtey go’doon ay galiyeen kooxda Al-Shabaab, oo ku xooggan gobolka.
Nolosha dadka deegmadaas ayaa halis badan ku jirtey, ayada oo magaalada aysan soo geli karin gaadiidka, taasi oo diiday in badeecadaha lasoo geliyo magaalada.
Si kastaba, waxaa iminka degmada soo hagaagaya adeegyadii Bulshada xili wali ay tahay go’doon in ka badan hal sano.