Axmed Madoobe oo shuruud ku xiray doorashada federaalka

Madaxweyne Axmed Madoobe

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlay arrimaha doorashada Federaalka ee lagu wado in dhowaan ay Soomaaliya ka qabsoonto ayaa sharuud ah ku xiray doorasho ka dhacda deegaanada Jualand.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday inay Dowladda dhexe ay ciidamadeeda kala baxdo gobbolka Gedo, islamarkaana ay maamulka gobbolkaasi ay la wareegaan mas’uulyiintii gobolkaasi ee uu isagu u magacaabay gobbolka Gedo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in qodobadaasi ay kamid ahaayeen kuwii horay loogu heshiiyay, balse aysan weli fulin dowladda dhexe.

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay dowladda inay la fariisato oo ay dhageysato cabashada musharaxiinta mucaaradka ee dhowaan ku shiray magaalada Muqdisho, kuwaasi oo iyagana dhaliilay hanaanka loo wado doorashada.

Warbixintan waxaa Nairobi kasoo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Axmed Madoobe oo shuruud ku xiray doorashada federaalka