Maareeyahaha Dekedda Muqdisho oo ka Bad-baaday Qarax Miino

Maareeyaha dekedda magaalada Muqdisho Axmed Washington ayaa maanta ka bad-baaday qarax ka dhacay meel u dhow Isbitaalka Naasareeto ee magaalada Muqdisho.Qaraxan waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaalada maareeyaha.

Qaraxan ayaa dhacay xilli fiidnimadii xalay uu qarax uu fuliyey qof ismiidaamiyay ay ku dhinteen 8 dhallinyaro ah oo ku sugnaa maqaaxi caan ah oo ku taalla magaalada.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Cumar Cabdulle ayaa warbixintan ka soo diray Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qarax ka badbaaday