Ra'iisul Wasaare Rooble oo safar ku tegay Baydhaba

Safarka Rooble ee Baydhaba

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in safarka uu ku qotomo wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ay dowladdu u qorsheysay deegaannada Koonfur Galbeed.

Warkan waxaa Baydhaba kasoo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Your browser doesn’t support HTML5

Ra'iisul Wasaare Rooble oo safar ku tegay Baydhaba