Maamulka HirShabeelle oo madaxweyne cusub doortay

HirShabelle

Xildhibaanada baarlamanka maamul goboleedka HirShabeelle ayaa maanta madaxweynaha cusub ee maamulkaas u doortay Cali Cabdullaahi Xuseen oo loo yaqaan Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa doorasho ka dhacday magaalada Jowhar waxa uu kaga adkaaday Cabdiraxmaan Jicmaale Cusmaan, oo ahaa musharaxa kaliya ee la tartamay.

Cali Guudlaawe ayaa helay 86 ka mid ah codadka xildhibaanada halka Cabdiraxmaan Jicmaale uu helay 13 cod. Doorashada ayaa waxaa guud ahaan ka qeyb galay 99 xildhibaan.

Madaxweynaha cusub ee HirShabeelle ayaa xilka hayn doono muddo afar sano ah. Ka hor xilkan, Guudlaawe wuxuu muddo afar sano soo ahaa madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas.

Shaqada ugu horreysa ee maamulka cusub ee HirShabeelle u taalla ayaa ah qabashada doorashooyinka xildhibaanada heer federal ee kasoo galay deegaanada maamulkaas, taasi oo la filayo in dhowaan la gudo galo.