Maxaa loo magacaabi la'yahay guddiyada doorashada Soomaaliya?

Madaxda Soomaaliya

Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo madax goboleedyada dalka ayaa 2-dii bishan October shaaciyey jadwalka doorashooyinka dalka oo ay isku raaceen.

Jadwalka ayaa isugu jira dhismaha guddiyada kala duwan ee doorashada, guddiga xalinta khilaafaadka, jadwalka doorashada labada aqal ee baarlamaanka iyo doorashada madaxweynaha dowladda federaalka ah.

Sida ku xusneyd Jadwalkaasi, magacaabista xubnaha guddiyadaasi waxay aheyd in la soo dhameystiro intii u dhaxeysay 10-kii ilaa iyo 20-kii bishan, waxayna la dhaafay waqtigaas ayada oo aanay sidaas dhicin.

Haddaba xaguu ku dambeeyay magacaabista xubnaha gudiyadan?
Wariyaha VOA-da Seynab Abuukar Maxamed ayaa warbixin ay arrintaasi ku eegeyso ka soo dirtay Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxaa loo magacaabi la'yahay guddiyada doorashada Soomaaliya?