Shabaab badan oo lagu dilay dagaal ka dhacay Baay

Shabaab

Saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolka Bay ayaa sheegay in tiro ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dileen howlgallo ay ka sameeyeen agagaarka degamada Diinsoor ee gobolka Baay.

Dagaalka ayay saraakiishu sheegeen inuu ka dhacay meel u 11 km u jirta magaalada Diinsoor.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada weerarka qaadeen kadib maleeshiyaadka Al-Shabaab ay hoobiyayaal kusoo tureen garoonka degmada Diinsoor.

Maleeshiyaadka ay dileen ciidamada dawladda ayaa la sheegay inuu ku jiro sarkaal watay maleeshiyada Al-Shabaab.

Wariyaha VOA-da uga soo warama gobolka Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixintan ka soo diray Baydhaba.

Your browser doesn’t support HTML5

Shabaab badan oo lagu dilay dagaal ka dhacay Baay