16ka Oktoobar: Maalinta Cuntada Adduunka

Sanad walba maanta oo kale, 16 October waxaa dunida laga xusaa Maalinta Cuntada Aduunka, gaar ahaan maalintii la aas-aasay Barnaamijka Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo la yiraahdo FAO. Munaasabadda sanadkan ayaa ku soo aaday iyadoo dunidu uu ka jiro xanuunkja COVID-19 iyo iyadoo ku dhawaad 30 kun oo ah qaxooti oo badankood ka barakacay deegaanada Jubbooyinka ay xaalad cunto yari ah ku haysato gudaha xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee Kenya.

Dhinaca kale, Dhibaatada dhinaca cunada ah waxay mar walba la soo gudboonaataa kumanaanka barakacayaasha ah ee ku nool xeryaha ay ka deganyihiin magaalada Muqdisho iyo agagaaraheeda.

Labada wariye ee VOAda ee Dhadhaab, Cabdicasiis Salas iyo wariyaha VOA ee Muqdisho, Cabdicasiis Barrow ayaa warbixinno arrintaas ku aaddan noo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Maalinta Cuntada Adduunka