Maxaa hortaagan dhismaha baarlamanka cusub ee HirShabeelle?

HirShabelle

Sagaal-kii Bishan October, waxaa ku ekaa mudo sharciyeedka Baarlamaanka maamul goboleedka HirShabeelle ee Soomaaliya.

Qorshaha ayaa wuxuu ahaa in ka hor kowda bishan October la soo diyaariyo xildhibaanadii bedali lahaa kuwa hadda jira ee baarlamaankii koowaad ee HirShabeelle.

Hase yeeshee khilaaf dhinaca saami qeybsiga iyo dowladda dhexe oo xaalad kala guur ah ku jirta aawgeed waxaa dib u dhacay dhismaha baarlamanka cusub.

Sidoo kale, madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay jadwal ay dejiyeen guddi doorasho oo uu soo dhisay.

Warbixinta waxaa magaalada Baledweyne ka soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Maxaa hortaagan dhismaha baarlamanka cusub ee HirShabeelle?