Kenya: Rag loo xukumay weerarkii Westgate

Dowladda Kenya ayaa maanta maxkamad soo taagtay saddex eedeysane oo loo haysto weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaadday xarunta Westgate ee magaalada Nairobi sanadkii 2013-kii.

Dowladda ayaa sheegtay in laba ka mid ah saddexdaasi nin ay ku heshay fal dambiyeed la xiriira weerarka, halka eedeysanaha kalena ay sheegtay in wax dambi ah lagu waayay.

Xukunkan ayaa ku soo aaday iyadoo dhacdadaasi laga joogo muddo 7 sanadood ah.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan Nairobi ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Kenya: Rag loo xukumay weerarkii Westgate