Amni-darrada waddada Muqdisho iyo Jowhar: Al-Shabaab mise siyaasad?
Shabaab
JOWHAR —
Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay in culeyska ammaan ee ka jira waddada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho ay sabab u tahay Al-Shabaab badan oo kasoo cararay dagaallada Shabeellada Hoose oo soo galay Shabeellada dhexe.
Hase aheetee madaxweynihii hore ee maamulkaas Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ku dhaliilay in arrimaha siyaasadeed ay sabab u tahay ammaan darrida ka jirta waddadaas.
Waxa uu sheegay si loo xakameeyo xubnaha baarlamanka in loo dayacay ammaanka waddada isku xirta Muqdisho iyo caasimadda maamulka HirShabeelle ee Jowhar.