Maamulka Waxbarashada Muqdisho oo lagu wareejiyey Maamulka Gobolka Banaadir

Filish iyo Goodax

Mas’uuliyiinta waxbarshada Soomaaliya ayaa sheegay inay maamulkii waxbarashada ee Muqdisho lagu wareejiyey mas’uliyiinta Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in ku wareejinta maamulka gobalka maamulka waxbarashada ay ka dambeeyay is-afgarad dhex maray wassaaradda waxbarashada oo horay u maamuleysay iyo maamulka gobalka.

“Ujeedada is-fahamka uu maamulka gobalku kula wareegay waxbashada caasimadda ayaa ah in waxbarashada loo daadejiyo heer gobol, iyadoo laga duulayo nidaamka federaalaynta dalka iyo in gobolka qaato masuuliyadda waxbarashada caasimadda,” ayaa lagu yiri qoraalka oo kasoo baxay xafiiska sii-hayaha xilka ra’iisul wasaaraha.

Faahfaahinta sida wareejintan u dhacday waxaa warbixintan noga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Maamulka Waxbarashada Muqdisho oo lagu wareejiyey Maamulka Gobolka Banaadir