Al-Shabaab oo Weerartay Magaalooyinka Luuq iyo Dowlow

Malayshiyada Shabaab

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku geeriyooday ilaa afar kalana waa ay ku dhaawacmeen laba weerar oo ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku kala qaadeen degmooyinka Luuq iyo Dooloow ee gobbolka Gedo.

Goobjoogeyaal ayaa VOA u sheegay in askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee xera koobaad oo ku taalla magaalada Luuq uu ku geeriyooday weerarka ay Al-Shabaab ku qaaday halkaasi.

Weerar kale oo ka dhacay degmada Doolow ee isla gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday qof shacab ah.

Wararkii ugu danbeeyey ee weeraradaasi waxaa warbixintan ka soo diray Khadar Maxamuud Xareed.

Your browser doesn’t support HTML5

Weerar Al-Shabaab ku qaaday Luuq iyo Doolow