Markab kusoo caariyey dekedda Boosaaso

Markab kusoo caariyey dekedda Boosaaso

Markab siday shixnad shamiito ah ayaa maanta kusoo caariyey afaafka hore ee dekedda magaalada Boosaaso.

Markabkan ayaa rarnaa shirkadda shamiitada ee Barwaaqo, waxaana cabsi laga qabaa inuu ku dego marinka doonyaha maraakiibta ee dekedda Boosaaso.

Ismaaciil Siciid Xuseen (Kutubaweyne) oo ka mid ah saamileyda shirkadda Barwaqo, ayaa isagoo jooga magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxa uu khadka telefoonka kula soo xiriiray weriyaha VOA Boosaaso Faadumo Yaasin Jaamac, waxayna ugu horeyn weydiisay waxa sababay in markabku uu ku caariyo albaabka ay gaadiidka baddu ka soo galaan dekedda Boosaaso.

Your browser doesn’t support HTML5

Markab kusoo caariyey dekedda Boosaaso