Cabdiraxman Malaysiya oo Hargeysa lagu aasay

Abdırahman Malaysia

Waxa xaley magaalada Hargeysa ku ugu geeriyoodey, Cabdiraxamaan Cali Cusmnam oo loo yaqaaney Cabdiraxman Malaysiya.

Allaha u naxariistee Cabdiraxaman Malaysia waxa uu ahaa ganacsada geyiga Soomaalidu degto aad looga yaqaan, muddo dheer ayuu Djibouti ganacsi ku lahaa, laakiin sanooyinka dambe Muqdishu ayuu deganaa.

Cabdiraxamn Malaysia, waxa uu ka mid ahaa dhalinyaradii Soomaalida ee Mareykanka waxbarashada u degay sanooyinkii 80'yadii isla markaana uu wax ku bartey.

Waxa uu wakhtiyo badan deganaa gobolada California, Minnesoita iyo agagaarka Washintion . D.C. Maanta ayaa Hargeysa lagu aasay. Warbixintaan waxaa noo soo diray, Khadar Cakulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso warbixinta