Mareykanka oo u digay qaswadayaasha Soomaaliya

Donald Yamamoto

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay go’aanki Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya uu shalay kalsoonidii kagala noqday Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda Xasan Cali Khayre.

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay ka xuntahay in baarlamaanka iyo madaxweynuhu ay kalsoonida kala laabteen Ra’iisul Wasaare Khayre.

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in kalsooni kala noqoshada xukuumadda ay dib u dhac ku tahay isbedellada horumar ee ka socday Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sidoo kale u digay qaswadayaasha raadinaya inay waxyeeleeyaan horumarrada ay sameyneyso Soomaaliya ee ku wajahan xasilloonida, nabadda, iyo dowladnimada loo dhan yahay.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa warbixintan ka diyaariyey dareenka dawladda Mareyanka.

Your browser doesn’t support HTML5

Mareykanka oo u digay qaswadayaasha Soomaaliya