Webiga Shabeelle oo ku fatahay degmada Afgooye

Webiga Shabeelle ayaa wuxuu ku fatahay degmada Afgooye iyo tuulooyin ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose halkaasi oo uu ka gaystay khasaare isugu jiray naf iyo maal, islamarkaana dad badan ay ku barakaceen.

Maamulka degmada Afgooye ayaa sheegaya in fatahaadda ay saameysay inta badan xaafadaha iyo tuulooyinka degmada Afgooye, islamarkaana dadka ku dhintay ay ku jiraan laba caruur ah.

Warbixintan waxaa Baydhaba kasoo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Your browser doesn’t support HTML5

Webiga Shabeelle oo ku fatahay degmada Afgooye